NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Allaha u naxariitsee Cabdiqani Aadan Duroow oo ah 21 Jir Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay banaan bixii maanta ka dhacay Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya kaasoo ay dhigayeen shacabka dalkaasi.
Sida aan xogta ku helnay wiilka Soomaaliyeed waxaa uu u dhintay rasaas ay ureen ciidamada Booliiska Kenya ee kala eryayay dadweynaha.
C/qani Aadan Duroow waxaa lagu toogtay Xaafada Thika gaar ahaan Makongeni halkaasoo ka mid ah meelihii banaanbuxu uu gaaray.
Maanta waxaa guud ahaan banaanbaxa ku dhintay 8 ruux oo wiilkaan Soomaliga ah uu ku jiro waxaana ku dhaawacmay 400 ruux iyadoo la arkayay inay maanta u socdeen gaadiidka gurmadka ee aanbalaasta loo yaqaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
