Wiil uu dhalay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/laahi Xasan Xuseen Muungaab ayaa maanta barqadii lagu xirey Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya kadib markii sida uu isaga laftigsa uu sheegay aabihiis uu amar ku bixiyay in la xiro markii uu dacwo ku saleysan arimo siyaasadeed ku soo oogay.
Wiilka uu dhalay Duqa Muqdisho ayaa warbixin faahfaahsan oo uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu ku cadeeyay in arimo siyaasadeed loo xirey kadib markii uu baahiyay inuu ka baxay Xosbiga Madaxweynaha Somalia ee JSP kadibna uu aabihis ka carooday sidaasna uu ugu dalbaday kenya in isaga la xiro.
Wiilka oo saacado kadib dib u helay xoriyadiisa ayaa qoraalka uu arintaan ku sharaxayo wuxuu u qornaa sidan:-
Barqanimadii saaka ayaa ciidamo ka socday Waaxda Dembi-baarista Kenya (DCI) iga kaxeystay guriga aan ka deganahay magaalada Nairobi. Saaka waxaan qorsheynayay inaan safar ugu baxo magaalada Muqdisho, kaddib maalmo kooban oo aan Uganda iyo Kenya kusoo maqnaa.
Ciidamada DCI waxay igu wargeliyeen in la iga gudbiyay dacwad ku saabsan “Qaran-dumin, Dacaayad Madax-Dawlad, iyo Caasinimo”, taas oo uu igu soo eedeeyay Aabahay, Xasan Maxamed Xuseen, kaddib xiriir dhexmaray laamaha amniga ee labada dal, Soomaaliya iyo Kenya.
DCI-da si wanaagsan ayay iila dhaqmeen. Waxay ii sheegeen in waxa loo soo gudbiyay iyo waxa ay arkayaan aysan is waafaqsaneyn. Si kastaba, waxay igu adkeeyeen inaan ka saaro qoraal hore oo aan ku caddeeyay inaan ka baxay xisbiga JSP (ex-UPD), iyagoo sheegay in arrintaasi ay Aabahay ka careysiisay.
Waxaan u cadeeyay in aan marnaba si qasab ah uga noqon doonin go’aankaas iyo qoraalkaas toona.
Waxaan sidoo kale u sheegay in Aabahay uu mudooyinkan qadka xiriirka jartay, si cadna u sheegay inuu doonayo inuu i xiro, isla markaana uu meelaha iga fadeexeynayay oo igu caynaayay. Ma jiraan wax gaar ah oo aan isaga ka haleeyay, mana jiro wax aan hadda qorsheynayo inaan ka haleeyo. DCI da waxaan u sheegay in arrintan tahay mid qoys, si qoysna lagu xallin doonaa.
Saacado kaddib, waxay ii sheegeen in aan xorriyad buuxda heysto iskana bixi karro, isla markaana aysan jirin wax case ah oo ay iigu sii hayaan.
Waxaan halkan uga dirayaa mahadcelin aqiyaartii ka shaqeysay soo deynteyda.
Ugu dambeyn, waxaan dadka i yaqaan u sheegayaa in arrimahan oo dhan ay ka dhalatay caro aan loo meel dayin, awood sheegasho, iyo macangagnimo ka imaaneysay Aabahay. Waxaan Allah (SWT) uga baryayaa inuu usoo celiyo xikmada iyo xasilka.
Mahadsanidiin.
Abdullahi Hassan
Nairobi, Kenya
06/10/2025
