Muqdisho (dayniiile.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxii caawa saq dhexe ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada C/casiis.
wararka la helaayo ayaa sheegaya in guriga caawa qaraxa lala bartilmaameedsaday uu yahay guriga Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya.
wararku waxay intaasi ku darayaan goobta ay soo gaareen ciidamo badan oo Dowlada ka tirsan kuwaasoo nawaaxiga goobtaasi howlgalo ka sameeyay inkastoo aan wax dada loo qaban.
Boorso yar ayaa lagu soo qariyay qaraxa kadib waxaa la dhigay albaabka guriga sidaas ayayna ku qaraxday.
Guriga Sarkaalka ee la weeraray waxba ma soo gaarin dadkii guriga ku sugnaa madaama qaraxu banaanka ahaa, inkastoo dhowr qofood la sheegay inay ku dhaawacmeen kuwaasoo loo maleynayo inay ahaayeen ilaalada guriga ama dad jidka maraayay.
Wali dhanka laamaha amniga wax wara kama soo bixin waxaase idinkugu soo gudbin doonaa wararkeena xiga insha Allaah.
XAFIIKA WARARKA
DAYNIIILE.COM