Wararka laga helaayo Dalka Liibiya ayaa sheegaya in xadka dalkaasi la wadaago Algeria lagu dilay Saif al-Islam Gaddafi, oo ahaa wiilka Madaxweynihii hore ee Liibiya Col. Muammar Gaddafi sida ay xaqiijisay walaashiis.
Wakaaladda Wararka Liibiya ayaa sheegtay koox ay isku dhawaayeen ayaa warbaahinta u sheegay ay sheegeen dhimashada wiilka Qadafi,sidoo kale walaashiis ayaa iyadana xustay in halka lagu dilay ay tahay xadka Algeria iyo Libya.
Saif al-Islam Gaddafi oo da’diisa lagu qiyaasay 53 jir inuu ahaa waxaa dalka Libya laga aaminsanaa inuu noqon doono shaqsiga dhanka hogaaminta badeli doona Aabihiis Col. Muammar Gaddafi.
Wiilka Qadafi oo siyaasada soo galay intii aabihiis xukunka hayay ayaa la sheegay door muhiim ah ka qaatay isu soo dhowaanshaha Liibiya iyo waddamada Reer Galbeedka intii u dhexeysay 2000 ilaa burburkii xukunkii Gaddafi sida ay sheegtay BBC-da.
Guud ahaan warbixinada dhimashada ma jirto wax cadeeyay sababta keentay dhimashadiisa kaliya in la dilay ayaa warbaahintu hadal heysaa.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
