MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Waxaa Saaka waabirigii  dhaawac xalay soo gaaray u geeriyooday Allaha u naxariistee Wiil lagu magacaabi jirey C/risaaq Cali Maxamuud oo deganaa Degmada Yaaqshiid gaar ahaan Xaafada Juungale.

Nasiib Daro wiilkaan waxaa gacantiisa ku dilay walaalkiis ka yar oo lagu magacaabo  C/rishiid Cali Maxamuud kaasoo cidiamada Booliisku isla xalay Xabsiga dhigeen.

Advertisement

Wararka aan ka heleyno goob joogayaasha ayaa noo xaqiijiyay in xalay fiidkii ay labada wiil murmeen kadibna kan yar uu toorey soo qaatay kuna dhuftay walaalkiis taasoo ayaan daro weyn ah.

Xalay dhaawac ahaan ayaa isbitaal loola cararay laakiin saqdii dhexe waliba xiliga waabariga ayuu geeriyooday Saakana waxaa lagu wadaa in ehelku aasaan marxuumka.

Mareegta dayniiile.com ayaa dariska iyo goob joogayaasha hor dhigay inay jirtay ismaandhaaf hore iyo inkale, waxayna noo sheegeen inta la ogyahay inaaney jirin wax hore balse waxa ay hubaan ay tahay inay xalay isku dheceen ilaa markii danbe ay dagalameen kadibna midkood qudha laga jaray.

Hay’adaha amniga Degmada Yaaqshiid ayaa arinta gacanta ku haya waxaana lagu wadaa in sharciga la hor geeyo gacan ku dhiiglaha hadii waalidka iyo ehelkoodu isku raacaan in gacan ku dhiiglaha loo daayo sharciga si loo waafajiyo ciqaabta ama qisaasta uu mudan yahay balse inta badan dadka aad isugu dhaw ama isla dhashay ama is dhalay ehalada ayaa si hoose u xalista arimahooda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
No description available.

Previous articleQaar ka mid ah dadkii ugu caansanaa Soomaalida ee geeriyooday sanadkan 2023
Next articleDEG DEG: Dagaal u dhexeeya Dowlada iyo Alshabaab oo ka qarxay deegaan ku dhaw Magaalada Caad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here