a jiro al-Shabaab.

Cabdifitaax Xasan Sheikh
Waxaa baraha bulshada maanta laga hadal hayaa wiil uu dhalay Madaxweye Xasan Sheekh oo ka soo muuqday sawirada laga qaaday markii wafdigii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh  ee maanta soo gaaray Magaalada Aadan-Yabaal ee Gobolka Shabeelaha dhexe.
BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa soo daabacday warbixin ay kaga hadlayaan waa kuma wiilka Xasan Sheekh ee maanta la arkay isagoo xiran dareyska ciidamada Milatariga isla markaana aabihiis ka furaayay gaari Cabdi-Bille ah, ma ciidan-baa mise waa shacab .

Cabdifitaax Xasan Sheikh
Qoraal lagu soo bandhigay Bayjka BBC-da ayaa sidaan u qornaa:-
Wiilka uu dhalay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xogta ilaa iyo haatan aan ka heleyno waxa ay muujineysaa in hore uu ugu noolaa dalka Turkiga halkaas oo uu ka shaqeynayay mid k amid ah xawaalada Soomaalida.
Dad badan ayaa is weydiinaya in Cabdifitaax uu yahay askari ka tirsan ciidamada dowladda maadaama uu soo muuqday isaga oo ku labisan direyska ciidamada dowladda, wararka aan ka heleyno xogta la xiriirta wiilka madaxweynaha ayaa sheegeysa in uusan ahayn askari ka tirsan dowladda balse haatan uu kusoo laabtay dalka si uu u garab istaago madaxweynaha Soomaaliya ahna aabbihiis Xasan Sheikh Maxamuud oo haatan ku sugan deegaanka Adan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo uu ka socdo gebo gabada wajiga koowaad ee dagaalka lagula jiro al-Shabaab.
Previous articleHalis weyn oo soo wajahday Soomalida ku nool Dalka Turkiga
Next articleDuqa Muqdisho iyo Xildhibaano Galabta Xamar ku sagootiyay Ciidamo u dhaqaaqay Furimaha+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here