Wiilkan yar magaciisu waa Ayman Alkurd isaga iyo qoyskiisu waxay degaanaayeen magaalada Qudus ee dalka falastiin.

Shan sano kahor isgoo Ayman wiil aad u da’yar ahaa ayey Ciidamada gumeysiga Yuhuuddu rasaas ku fureen wiilkan yar, 12 xabadood ayaa jirkiisa haleeshay, Meyd ahaan ayey uga tageen balse ilaahay baa qaddaray inuu sii noolaado, Rasaastaas waxay sababtay inuu curyaan noqdo oo istaagi kari waayo.

Sheekadu halkaas kuma dhammaan ciidamada yuhuuddu wiilka yar oo weli dhaawicii la jiifa ayey qabteen oo xabsiga dhigeen!

Intaas keliya kuma joogsan cadowtooyada ay yuhuuddu u qabaan wiilka yar ee Maxkamad ayey saareen waxayna ku xukumeen 35 sano oo xariga ah.
Sidoo kale waxay ugu sii dareen ganaax lacageed oo 100 Kun oo dollar ah.
Noocyada xad-gudubka kuwa ugu foosha xun ayey yuhuuddu kula dhaqmaan shacabka muslimka ah ee reer falastiin.

Hadda ayman Xabsiga yuhuudda ayuu ku jiraa, isagoo xanuunsan oo aan kursiga ka kici karin, Ayman waxa ugu weyn ee ku fekero waa inuu caafimaad helo xanuunka haya ayaa wax walba uga daran.

Qof walba oo muslim ah oo la danqanaya wiilkaa yar dhibka haysta waxaa laga rabaa inuu codkiisa caalamka gaarsiiyo, Annagu aan noqono Warbaahinta faafisa dhibaatada gumeysiyeed ee lagu hayo walaalaheen reer falastiin ee ay warbaahinta reer galbeedku ku howlan yihiin inay qariyaan.

W/Q: Mustaf Awil hassan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here