Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa Gurmad Badbaado ah lagu soo wargeliyay gaar ahaan Degmada Garabis oo koonfur galbeed Qiyaas 30KM ah ugu baxay Gurmadkaas oo ahaa sida dadweynuhu ku soo wargeliyeen Wiil yar oo ku dhacay Barkad, da’adiisuna Qiyaas ahaan ahayd ilaa 17 Jir, kaasoo ku jiray muddo Barkadaas isagoo Mayd ah.

Naftood Hurayaasha Ciidanka Dab-demiska ayaa isla markiiba goobtaasi gaaray kana soo saaray Barkada ilmahaas yar, hasayeeshee Ilmahaas yari wuxuu ku dhintay Barkadaasi waxaana intaa ka dib la wareegay hawshaas Ciidamada dambibaarista Ciidanka Booliska.

Advertisement

Ciidanka Dabdemisku waxay tacsi u dirayaan Qoyskii iyo eheladii uu ka baxay marxuumkaasi. Ilaahay Naxariistii Janno haka waraabiyo jannooyinkiisana hawgu deeqo.

Previous articleTaliyaha Ciidanka Xoogga oo kormeeray Xerooyin Ciidan oo ku yaal Duleedka Muqdisho
Next articleMaamulka gobalka Banaadir, maanta waxay sheegeen sida warbaahinta dawladdu tabisay in ay dawladda Talyaaniga ay u baahatay dhulka Kaasa Italia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here