NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Kenya Wiliam Ruto ayaa amar buuxa ku siiyay Booliiska markii ugu horeysay inay toogan karaan kuwa banaan-baxyada dhig gaar ahaana kuwa gubaya goobaha ganacsiga.
Madaxweybne Ruto wuxuu Booliiska faray inay lugaha ka toogtaan kadibna kii dhaawacm ay isbitaal geeyaan,sidoo kalana Maxkamad la soo taago si loogu qaado shaciga marka la eego hantida dadweynaha iyo mida Dowlada ee uu dabka ku qabtay.
“lama aqbali karo in xiligaan ganacsigii dhaqaalihii dalka la burburiyo”ayuu yiri Madaxweyanaha Kenya oo sidoo kalana amray ciidamada ineysan waxba u dhimin kuwa sida nabada ah u wata dibad-baxyada.
Ruto wuxuu intaasi ku daray in hadii Kenyaanku rabaan in ganacsigoodu sii socdo islamarkaana dalku amaan sii ahaado ay tahay in Booliisku talaabo qaado oo toogtaan kuwa dabka la wareegaya.
“kuwa dabka la wareegaya ee ganacsiga ku qabanaya lugaha ka toogta kadibna isbitaalka geeya kadibna intaas ha uga harina Maxkamad hala soo taago”ayuu yiri Madaxweyne Ruto
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
