HomeCiyaarahaWilliam Saliba: “Kooxdeennu waa mid xoog badan, waxa kaliya ee innaga harsan...

William Saliba: “Kooxdeennu waa mid xoog badan, waxa kaliya ee innaga harsan waa………”

XIGASHO LAACIB.NETDaafaca reer France, William Saliba (24 jir) ayaa toddobaadkii hore u kordhiyay heshiiskiisa Arsenal, isagoo hadda kooxda ku sii nagaan doona ilaa xagaaga 2030. Saliba oo Arsenal ku biiray sanadkii 2019 ayaa ka hadlay himilooyinkiisa cusub intii lagu jiray shirka jaraa’id ee xulka.

Saliba ayaa markii uu yimid Arsenal la amaahiyay kooxihiisii hore ee AS Saint-Étienne, iyo sidoo kale OGC Nice iyo Olympique de Marseille, kahor inta uusan si joogto ah uga mid noqon kooxda Mikel Arteta labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.

Inkasta oo uu Arteta uu dib ugu soo celiyay Arsenal tartanka horyaalka Premier League, haddana kooxda ma aysan qaadin koob weyn tan iyo FA Cup-kii 2020. Saliba ayaa aaminsan in arrintaas ay u dhowdahay inay is beddesho.

“Wali koobab ayaan naga maqan, balse way iman doonaan, sababtoo ah waxaan heysannaa tababare fiican iyo koox adag,” ayuu yiri Saliba, kaas oo haatan u diyaargaroobaya kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka ee Azerbaijan iyo Iceland.

Mar uu ka hadlayay go’aankii uu ku saxiixay heshiiska cusub, wuxuu yiri:

“Waxaan rabay inaan sii joogo Arsenal sababtoo ah halkaas ayaan gurigayga u arkaa […] waxaan doonayay inaan halkaas muddo dheer ku nasto oo aan ku dhiso mustaqbalkeyga.”

XIGASHO LAACIB.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -