HomeWarkiiWufuud horu dhac ah oo gaartay Kismaayo iyo Madaxda sare ee samatabixinta...

Wufuud horu dhac ah oo gaartay Kismaayo iyo Madaxda sare ee samatabixinta oo beri u socdaaleysa

KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo waxaa goor dhaw ka degay Wufuud oo horu dhac ah  mucaaradka Muqdisho gaar ahaan Madasha samatabixinta kuwaasoo saaka diyaarad ka raacay Magaalada Muqdisho.

Wafdiga horudhaca ah ee gaartay Kismaayo waxaa hogaaminayay Xohayaha guud ee Mucaaradka samatabixinta Maxamed Aadan Jimcaale Koofi,waxaana garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay wasiiro iyo xldhibaano ka tirsan Maamulka Jubaland.

Dr Koofi wuxuu sheegay inta aan joogaan Kismaayo inay shaqeyn doonaan badbaada dalka, wuxuu intaasi ku daray in shirka ay isugu iman doonaan Golaha Mustaqbalka.

“Kismaayo horey baan u joogi jirey,uga shaqeyn jirey balse hada inaan imaano muddo dheer ayaan qorsheyneynay Shirkuna berri ayuu noo furmayaa”ayuu yiri  Dr Koofi.

Wasiirka arrimaha Gudaha ee Jubbaland ayaa isna soo dhaweynta ka wufuuda xamar ka tagtay ka sheegay Kismaayo inuu rajeynayo in Shirka Kismaayo wax badan ka badelo xaalada Dalka.

Sidoo kale waxaa warbaahinta isna la hadlay Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubaland kaasoo sheegay in Kismaayo ay noqon doonto meesha dalka lagu badbaadin lahaa sida uu warka u dhigay

“Dowladda Soomaaliya gacanta ayaan qaban doonaa,Kismaayana waxay noqon doontaa meesha dalka lagu badbaadin lahaa, Dowlada runta ayaa loo sheegayaa,halkaan wax weyn ayaa naga soo bixi doono” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubaland

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -