Weeraryahankii hore ee kooxda Chelsea ee Diego Costa ayaa si rasmi ah ugu soo laabanaya horyaalka Premier League sanado kaddib markii uu ka hayaamay.

Kooxda Wolves ayaa aad ugu dhaw saxeexa Costa oo ay bilaash ku helayaan iyagoo ku qasbanaaday inay la saxeexdaan kaddib dhaawaca halista ah ee ka gaadhay saxeexa cusub ee Sasa Kalajdzic kaas oo la filayo inuu mudo dheer seego garoomada.

Kalajdzic oo kulankiisii ugu horreeyay Wolves u ciyaarayay ayaa la bedelay wakhtigii nasashada waxaana ay kooxdaasi maalin kaddib xaqiijisay inuu gaadhay dhaawac jilibka ah oo halis ahi.

Diego Costa ayaa xor ahaa tan iyo suuqii January kaddib markii la kansalay heshiiskii uu kula joogay kooxda Brazil ka ciyaarta ee Atletico Mineiro.

Costa ayaa mudo saddex sano ah kusoo qaatay Chelsea isaga oo 52 gool oo Premier League ah kusoo dhaliyay 89 kulan isla markaana laba horyaal lasoo qaaday Blues.

Costa ayaa la filayaa haatan inuu Salaasada berri ah ka dego Wolverhampton isaga oo halkaas tijaabada caafimaadka ugu mari doona kooxda macalin Bruno Lage.

Wolves ayaa labada kulan ee soo socda la ciyaaraysa Liverpool iyo Manchester City iyaga oo u haaban hub dhinaca weerarka ah waxayna adeegsan karaan Costa haddii uu si rasmi ah uga gudbo baadhitaanka caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here