HomeCiyaaraha“Wuxuu Shubay Dhiigga” – Roberto Carlos oo magacaabay xiddigii ugu fiicnaa ee...

“Wuxuu Shubay Dhiigga” – Roberto Carlos oo magacaabay xiddigii ugu fiicnaa ee uu garoon la wadaago; wuxuu sheegay inuu xitaa ka fiicnaa Zidane

XIGASHO LAACIB.NETDaaficii hore ee xulka Brazil, Roberto Carlos, ayaa magacaabay halyeyga Manchester United David Beckham inuu yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee uu abid la ciyaaro, isaga oo ka hor mariyay magacyo waaweyn sida Zinedine Zidane, Luis Figo iyo Ronaldo, intii ay wada joogeen Real Madrid.

Carlos wuxuu qolka labiska la wadaagay xiddigo waaweyn sida Beckham, Ronaldo, Zidane iyo Ronaldinho, balse markii la weydiiyay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee uu la soo ciyaaray, wuxuu ku yiri barnaamijka The Obi One Podcast:

“Beckham, dabcan Beckham.

Zidane wuxuu ahaa mid heer sare ah. Laakiin Beckham wuxuu ahaa saaxiib aad iigu dhow iyo tusaale aan ku daydo.

Isaga ayaa ugu fiicnaa tababarka, ugu fiicnaana ciyaaraha. Mar walba wuu ordayay, wuxuuna sameyn jiray baasas cajiib ah. Wuxuu kooxda u shubi jiray dhiigiisa.

Dadku wax kasta ha ka yiraahdaan Ronaldo, Zidane, Raúl ama Luis Figo, afartii sano ee kooxda Galácticos, aniga aragtidayda, Beckham wuxuu ahaa kan ugu joogtada badnaa uguna fiicnaa.

Beckham wuxuu u ciyaarayay kooxda. Wuu weerari jiray, wuu difaaci jiray, baasas buu bixin jiray. Wuxuu sameyn jiray wax kasta oo ay kooxdu u baahato.”

Hadalkan Roberto Carlos ayaa mar kale muujinaya sida weyn ee David Beckham loogu qaddariyo doorkiisii, shaqadiisii iyo saameyntii uu ku lahaa Real Madrid.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -