HomeWarkiiXaafada Siinaay dhamaadk xukunka Xasan Sheekh iyo joojinta boobka dhulka danta guud

Xaafada Siinaay dhamaadk xukunka Xasan Sheekh iyo joojinta boobka dhulka danta guud

May be an image of text

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xaafada Siinaay dhamaadka xukunka Xasan Sheekh iyo joojinta boobka dhulka danta guud.

Qoraalkaani waa hal ku dhiga  boor ay Xaafada Siinaay ku soo dhajiyeen jufada hoose ee Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh kuwaasoo ka careysan rasaas dhimasho iyo dhaawacba leh oo ciidamada Dowladu shalay ka gaysteen xaafadaasi oo ay u badan yihiin jufada  madaxweynaha.

Dilka iyo dhaawaca shalay ciidamadu ka gaysteen suuqa siinaay waxaa uu ka dhashay kadib amar Dowladu hore ugu bixisay in suuqaaasi Dowladu la wareegeyso xili shacabkana lagu amray inay baneeyeen.

Su’aasha weyn ee meesha taagan ayaa noqoneysa shacab isku soo baxay Dowlada ma ka hor istaagi karaan qorshayaasheeda madaama hore Muqdisho ay uga dhaceen isku dayo dad huwan magacyo beeleed ay iskugu dayeen inay Dowlada kaga hor istaagaan dhulka Dowlada .

Dadka suuqa Siinaay ku ganacsada oo Soomali oo dhan isugu jira ayaa shalay isugu soo baxay dibad bax ay kaga cabanayeen go’aanka Dowlada oo ay ku tilmaameen shacabku dhul boob ayaa gaaray heer ciidamadu dadka rasaas ooda kaga qaadaan waxaana ku dhintay laba gabdhood halka tira intaas ka badana ay dhaawacmeen.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -