Iyada oo fariin loo diray xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, taas oo ah in ay ka soo qaybgalaan shir looga hadlayo arrimaha caabuqa Covid 19 ka, ayay xildhibaano badan shaki ka muujinayaan in ajandaha la soo diray ay ku hoos qarsoon tahay muddo korsi 1/2 sano ah.

Xildhibaanada ayaa sheegay in hadii arrintaas la isku dayo ay ka hor imaan doonaan, waxaa kale laga cabsi qabaa in barrito saxaafadda loo ogolaan waayo ka qaybgal kulanka baarlamaanka.

Inkasta oo aanay kala cadayn in sida ajanduhu u qoran yahay looga hadli doono iyo in kale, ayaa haddana xildhibaanada badankoodu u arkaan in lagu dhawaaqi doono muddo kororsi, waxaana hadii ay arrintaasi dhacdo ay ka hor imaanaysaa go’ aanka golaha amaanka ee Q/midoobay ee oronaya in aan la samayn karin wax muddo kororsi ama doorasho hal dhinac ah iyo mid is bar bar yaac ah.

Arrintaan ayaa ku soo aadaysa xilli ay isfaham gaareen shanta maalmul goboleed islamarkaana la filayo in Sabtida uu kulan dhex maro beesha caalamka iyo maamul goboleedyada.

Maxaa imaan kara hadii wal walka laga qabo in qaar ka mid ah xuibnaha baarlamaanku qaataan muddo kororsi?.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here