Xaalada Amniga Kismaayo oo faraha ka baxay kadib Bililaqo Xoogan kasocota Magaalada

 

Ciidamada iyo Jifa hoosaadka Axmed madoobe ee ku sugan magaalada kismayo ayaa bilaabay inay bililiqaystaan xarumihii maamulkii hore ee Jubaland sidoo kale waxay bilaabeen inay hubka iyo gaadiidka ninkastaa meesha uu isleeyahay waad ku qarsan kartaa ay isu diyaariyaan inay la aadaan:

Gaadiid iyo hub badan ayaa la filayaa inay u ambabaxaan dhinaca dhoobleey inkastoo ay adag tahay meeshii ay u mari lahaayeen sida shabaabka oo fadhiya jidadka In kastoo uu jiro wada hadal hoose oo ay la wadaan shabaabka:

Sidoo kale waxaa jira roobab xoogan oo xidhay dhamaan jidadka isku xidha kismayo ilaa dhoobleey:

Waxaase la xaqiijinayaa Inay jiraan ilaa 2 doomood oo ilaa xalay lagu rarayay qalab kala duwan iyadoo loo badinayo In qalabka loo wado dhinaca raas kaambooni ilaa mombasa:

Arintan ayaa ka danbeysay kadib markii xalay Qaar kamida waftigii Axmed madoobe u raacay Nairobi uu lasoo hadlay qaar kamida masuuliyiinta gaadiidka iyo hubka una sheegay inay isu diyaariyaan xil wareejin taasoo taageerayaasha Axmed madoobe ku abuurtay welwel iyo kala carar:

Sidoo kale Askartii aan mudada dheer mushaarka lasiinin ayaa nin weliba isu diyaariyay inuu ku deyn baxo qoriga ama gaariga uu gacanta ku hayo:

Inkastoo mar hore Axmed madoobe Dhamaan gawaadhida ku wareejiyay Askar isaga ku jifo ah:

Xaalada kismayo ayaa caawa ah mid uu ka jiro jahwareer iyo degenaan la,aan iyo bililiqo si hoose uga socota xarumaha maamulkii hore :

Wixi kuso kordho oo warar ah wa idinla socod siin doonaa

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064