Degmada oo kamid ah Degmooyinka Maamulka uu ka jira ee Gobolka Shabellada Hoose, ahna Meelaha Maamulka Gobolka Shabellada Hoose uu kasoo galo darliga ugu badan ayaanan heysan daryeel Maamul iyo mid dowladeed.

Gudoomiyaha Degmada Janaalle Cabdiraxman Yusuf Alcadala oo Degmada Xaaladeeda ka hadlayay ayaa sheegay in dhibaatada Degmada kajirta ay tahay mid aan Xiligan laga Sheekeenkarin ayna ka jiraan Xaalado Bani’aadanimo oo aad u darran.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Xarunta Caafimaad ee Degmada Xiligan ay tahay mid aan wanaagsaneyn ayna kajirin Wax Daawo ah oo yaalla Xarunta Caafimaad ee Degmada oo ah Mida kaliya ee ka howlgasha Degmada.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Dadka ku nool Degmada ay wajahayaan Xaalado kala duwan ayna jirin Daawo la siiyo Caruurta iyo Dadka Da’da ah ee u dhamaanaya Cudurada kala duwan ee Degmada ka dilaacay.

Gudoomiyaha ayaa ugu dambeen Dadka Soomaaliyeed ee Degmada kasoo Jeeda iyo kuwa kalaba ka codsaday inay Degmada lasoo gaaraan gargaar Degdeg ah oo ay ugu horeeyaan Dawooyin Wax loogu qabto Dadka kala duwan ee Dhaawacyada soo gaaraan aan loo heyn wax Dawo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here