HomeWarkiiXaalada Deegaanka Wargaadhi oo saaka degan kadib dagaal shalay ka dhacay

Xaalada Deegaanka Wargaadhi oo saaka degan kadib dagaal shalay ka dhacay

WARGAADHI (DAYNIILE.COM)-Waxaa saaka aad u degan deegaanka Wargaadhi oo shalay ay ku dagalaameen Alshabaab iyo ciidamada Dowlada Somalia, iyadoo isla shalayna Dowladu war ka soo saartay kasoo ay ku sheegeyso inay guulo kaga gaareen.

Warsaxaafadeed shalay Wasaarada Gaashaandhiga Somalia ka soo saartay dagaalka Wargaadhi ayay ku sheegtay inay ku fashiliyeen isku day weerar alshabaab ku soo qaadeen Deegaankaasi ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Sidoo kale Dowladu waxay warkeeda ku xustay inay dagaalka difaaca ahaa ku dileen sarakaalkii watay dagaalamayaasha Alshabaab,sidoo kale Dowladu waxay sheegtay inay jabiyeen weerarkii Alshabaab  islamarkaana kala ceyriyeen.

“Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu xaqiijinayaa in amniga deegaanka Wargaadhi si buuxda gacanta ugu jiro ciidamada, isla markaana uusan jirin wax khatar amni ah oo hadda taagan” ayaa ka mid ahaa warkii Dowlada ka soo baxay shalay

 XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -