Wasiirka Dekadaha C/qaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaan Wasiir Jaamac ayaa qoraal uu baraha bulshada ku shaaciyay wuxuu cinwaan uga dhigay Xaaladaha Soomaaliya iyo Casharrada Taariikhiga ah.
Qormada Wasiir Jaamac oo sideeda u qoran halkaan ka akhriso:-
Xaaladaha Soomaaliya iyo Casharrada Taariikhiga ah
Qof kasta oo damiir leh kuma farxayo waxa ka socda Hargeysa. Sawirrada iyo muuqaallada ka imaanaya ma aha wax la aamini karo in ay ka dhacaan dhul Soomaaliyeed. Laakiin Soomaaliya waxay soo martay xaalado kala duwan oo adag, mar walbana Ilaahay mahadiis waa laga gudbaayay.
1- Heeryadii Gumeystaha
Markii gumeystuhu dhulkeenna qabsaday, iyadoo cadowga sida laga yeelaayo lala yaaban yahay, haddana waxaa jiray dad Soomaaliyeed oo u habraday gumeystaha. Dad badanna waxay aamineen in gumeysigu weligiis sii jiri doono, balse Ilaahay mahadii waa laga xoroobay, inkasta oo uu dhib badan reebay.
2- Burburka Dowladdii Dhexe (1991-di)
Iyadoo dowladi jirto, haba jiraan khaladaad waaweyne, haddana 1991kii dowladdii waa duntay. Waxaa bilowday dagaal sokeeye, abaaro iyo hoggaamiye kooxeedyo. Dad badan waa qaxeen, inti joogtayna quus bay galeen. Ilaahay mahadiis, culeyskaas isna waa laga soo gudbay.
3- Xaaladdii Adkeyd ee Muqdisho (2007–2009)
Muqdisho waxay gashay xaalad adag, TPLF ayaana dad badan ku xasuuqday. Waxay dad badan aamineen in aan laga bixi karin culeyskaas, balse Ilaahay mahadiis waa laga gudbay.
4- Khawaarijta iyo Qaraxyada
Kadib, magac diimeed ayaa lagu dhibaateeyay dadka Soomaaliyeed. Walaal ayaa walaalkiis qarxiyay, wiilna aabihiis ayuu dilay, Muqdisho-na waxay hooy u noqotay khawaarij muddo dheer. Dadku waxay gaareen heer ay is eegaan marka ay hadlayaan. Waxay u muuqatay in ay adag tahay in laga gudbo, balse Ilaahay mahadiis amniga caasimadda iyo magaalooyin badan waa soo hagaagay waana la sugay.
5- Culeyskii 2024
Soomaaliya waxaa soo foodsaaray culeys uu abuuray MOU la doonayay in lagu bixiyo dhul iyo bad soomaaliyeed. Dad badan waxay haleeli waayeen sida xal arrintaas loogu heli karo, balse Ilaahay mahadiis waa laga soo gudbay, baddeenna iyo dhulkeenuna maanta waa badqabaan.
6- Culeyska Hadda Taagan
Culeyska hadda taagan ee lagu doonayo in lagu kala jaro dalka soomaaliyeed isna waa laga gudbi doonaa idanka Ilaahay. Waxaase ka sokeyn doona imtixaan lagu kala miirmo, oo aduun iyo aakhiraba laysku dhaafo.
Tix:
Nin waliba wuxuu noo qabtiyo qaladku noo geystey;
Diiwaanno qaran baa jiroo lagu qoraayaaye;
Qof qaruurad calashoo dejiyey qoomamee abide;
Qarniyada danbaa kugu naclada ficilka qaarkiise;
War hooy, Intaad qaran ka kala goyn lahayd quruxso taariikhda.
“Abshir Bacadle AUN”
