HomeWarkiiXaaladda Gobolka iyo Halista Mustaqbalka Soomaaliya.

Xaaladda Gobolka iyo Halista Mustaqbalka Soomaaliya.

WAXAA QOREY:  Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir 
Maxaned Axmed Amiir 

Xaaladda Gobolka iyo Halista Mustaqbalka Soomaaliya.

Geeska Afrika waa goobta ugu istiraatiijisan qaaradda, waxaana danta ugu weyn laga leeyahay booska uu ku yaallo iyo marin-biyoodka Baabul-Mandab oo xiriiriya Aasiya, Yurub iyo Afrika. Halkaas waxaa ka gudba boqolaal maraakiib maalin kasta, balse culeyska dagaalka Xuutiyiinta ee Yaman ayaa wiiqay amniga iyo kalsoonida caalamka, isagoo sii adkeeyey tartanka quwadaha gobolka.

Itoobiya waxay si joogto ah u raadinaysaa marin badeed si ay uga madax bannaanato darisyada, halka Imaaraadka ay danahoodu ku xiran yihiin dekedaha iyo kaabayaasha dhaqaale, iyagoo doonaya inaan halkaan ka dhalan deked awood leh oo aan iyaga ku xirnayn. Turkiga wuxuu ku jiraa barnaamij istiraatiiji ah oo ku wajahan dekedaha iyo amniga, halka Masar ay indhaha ku hayso Soomaaliya si ay uga hesho saameyn dheeraad ah oo ku xiran muranka Niilka.

Sidaa darteed, halista ugu weyn ee haysata Soomaaliya ma aha oo keliya cadaadiska shisheeye, balse waa garasho xaddidan, wadaniyad darro iyo isdiidka hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed. Halkii ay danta guud mideyn lahaayeen, waxay u kala qaybsan yihiin dano qabiil iyo kursi, taas oo si joogto ah fursad u siinaysa quwadaha shisheeye inay na kala qeybiyaan si ay danohooda nooga fushadaan.

Haddii xaaladdan lagu sii socdo:

  1. Soomaaliya waxay noqon kartaa goob loollan shisheeye, shacabka ayaana noqda daawadayaal iyo dhibbanayaal.
  2. Qaranimada iyo madax-bannaanida ayaa si tartiib ah u lumin kara, iyadoo dalku u kala burburo qaybo yaryar.
  3. Muqdisho iyo xeebaha kale waxay isu beddeli karaan xarumo quwadaha shisheeye kala qaybsadaan.
  4. Shacabka Soomaaliyeed waxay waayi karaan mustaqbal ay iyagu go’aamiyaan.

Soomaaliya waa dal uu Eebbe ku galladay boos istiraatiiji ah oo uu dunida oo dhan dan ka leeyahay. Haddii hoggaamiyayaasheennu ay danta guud ka hormariyaan danaha shakhsiga, waxaa suurto gal ah in qaranku ka faa’iideysto fursaddan; haddii kale, waxay horseedi doonaan in mustaqbalka dalka uu galo gacmaha shisheeye. Sida uu Qur’aanku sheegay, “Qoom Ilaahay uma beddelo xaaladdooda ilaa ay iyagu is beddelaan.”

Haddaba, waqtigu waa kan: hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed, mucaarid iyo muxaafidba, waa inay muujiyaan garasho qoto dheer, wadaniyad dhab ah iyo midnimo siyaasadeed, si dalka loogu badbaadiyo khaterta weyn ee ku soo fool leh oo aan siyaasiyiinta maanta u muuqan, waxaana na wada indha tiraya danaha shakhsiga, qarankana sidaas lagu waayo.

WAXAA QOREY:
Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir 
Maxaned Axmed Amiir 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -