Muqdisho (dayniiile.com)-Maxkamada Ciidamada Ciidamada waxaa maanta la soo taagay 4 dumar ah kuwaasoo dhamaantood u dhashay Niman Alshabaab ka tirsan,waxaana loo heystaa inay alshabaab la shaqeeyaan.

Haweenkaan waxaa ka mida xaaska mid ka mida Hogaamiyayaasha ugu magaca weyn kooxda Alshabaab kaasoo lagu magacaabo Yuusuf Ciise Kaba-kutukade.

Advertisement

Xaaska Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Nasteexo Muxudiin Maxamed ayaa maxkamada ka sheegtay in aabaheed uu ku daray Kaba-kutukade kaasoo laftigiisu ah Alshabaab.

Nasteexo waxay sheegtay inay caruur u dhashay Kaba-kutukade iyadoo 14 jir ah xili xiriirkoodu uusan wanaagsaneyn sida ay sheegtay.

Sidoo kale Haweeneey kale oo lagu magacaabo Nimco Maxamuud C/raxaan Sugalle una dhaxday nin Alshabaab ah ayaa iyadana maxkamada la soo taagay waxayna sheegtay in aabaheed ay dileen Alshabaab.

“aniga way iiga soo dhamaatay Alshababka i qaba wuxuuna xoog iiga heystaa madaxeyga wuuna i diiday inuu i furo”ayay tiri Nimco Maxamuud C/raxaan Sugalle .

Haweeneydaan waxay sheegtay in ninkeeda Alshabaabka ah lagu magacaabo C/kariin Maxamed Cusmaan islamarkaana ay u dhashay 3 caruur ah.

Hadaba Faah-faahinta ka daawo muuqaalkaani uu diyaariyay TV-ga Qaranka:-

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleJungle Scout: Amazon Seller Software & Product Research …
Next articleTresorit End-to-End Encrypted Cloud Storage for Businesses

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here