XIGASHO LAACIB.NET
Tababaraha Real Madrid, Xabi Alonso, ayaa ammaanay Trent Alexander-Arnold kaddib labo bandhig oo heer sare ah oo uu ka sameeyay kulamadii Elche iyo Olympiacos, isagoo sheegay in taam ahaanshihiisu uu muhiim u yahay qeybta ka harsan xilli-ciyaareedka.
Alonso ayaa yiri:
“Trent weli waxaan sugeynaa inaan aragno qaab ciyaareed kiisa fiican. Waa wax aad u wanaagsan inuu awood u yeeshay inuu 90 daqiiqo ciyaaro labadii kulan ee Elche iyo Olympiakos. Waa sannadkiisii ugu horreeyay, waana ku faraxsanahay sida uu dareen ahaan u hagaagsan yahay.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Waa ciyaaryahan wax badan ku hamminaya, anaguna waa inaan taageerno iyadoo ay jirto isbeddel weyn oo uu ku saleynayo ciyaartiisa”
Trent oo si xor ah uga soo wareegay Liverpool, ayaa hadda bilaabay inuu si dhab ah u muujiyo tayadiisa Madrid, waxaana la filayaa inuu saameyn kale yeesho marka ay Real Madrid berri wajaheyso Girona.
XIGASHO LAACIB.NET
