Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay warka Sheegaya in Guddoomiye Adan Madobe uu fasaxay kursiga HOP#086 oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka kaas oo ay natiijadiisa hakiyeen Guddigii doorashada ee Heer Federaal FEIT.

Qoraal kooban oo la soo dhagay Bogga Fecebook ee Golaha Shacabka ayaa lagu yiri “Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu si cad u beeninayaa Warqad been abuur ah oo lagu baahiyay Baraha Bulshada, taas oo ku saabsan kursiga Hope #086, Shacabka Soomaaliyeed haka digtoonaadaan warqadaha noocan oo kale ah.”

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa lagu sheegay in “Xafiiska uu baaritaan ku sameeynaya cidii Ka dambeysay falkaan, waxaana lala tiigsan doono sharciga.” Sida lagu yiri qoraalk warka ka baxay Xafiiska Guddoomiyaha.

Doorashada kursiga HOP#086 ayaa waxaa ku soo baxay Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ahaa lataliyaha Amniga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kursigaan oo deegaan doorashadiis tahay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa natiijadiis hakiyay Guddiga Doorashada heer federaal ee FEIT iyaga oo sheegay in doorashada kursigaan aan loo marin habraacii saxda ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here