Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu soo saaray “Bayaan Rasmi ah” oo ku saabsan dukumentiyada looga baahan yahay diiwaangelinta heshiisyada shaqo iyo qandaraasyada dowladda ee “Heer Federaal”, waxaana bayaankan uu si toos ah u khuseeya shirkadaha, ganacsatada, shaqsiyaadka la macaamilaya hay’adaha dowladda, iyo sidoo kale masuuliyiinta hay’adaha dowladda ee looga baahan yahay dhaqangelinta nidaamkan.


Akhri bayaanka si aad u ogaato dukumentiyada iyo shuruudaha loo baahan yahay, iyo masuuliyadda ka saaran dhinacyada ay khuseyso.
