Xafladda Furista Wadooynka & Dib u xirka wadooyin kale

0

Qofka marka uu waalan rabo waxaa lagu gartaa hadalka is burinaya , markuu waashana socodka aan hagaagsanayn, Siyaasaduna waa lamid , qofka markay siyaasadda ka jiran tahay waxaa lagu gartaa hadalka & Dooda aan kala joogsiga lahayn ee aan ku dhisnayn xikmad , Markay siyaasadda ka dhimatana waxaa lagu gartaa socod xun & Sadar xun oo lasoo xariiqo,

Adiuunka waxaa laga xusaa hal.maalin oo ah maalinta dhimirka aduunka balse soomaaliya waxay kujirtaa maalamaha dhimirka mudo 30 Sano ah, Maanta waxay noo joogtaa poliska Soomaaliyeed oo xaflad u qabtay jid uu xiray hadana furaayo isla markaana mid kale xiraayo. Muqdisho Markaad ku nooshahay sabar ayaa lagaaga baahan yahay, maahan kaliya in aad u sabartaa dhaawac laguu gaystay ama aflagaado shaqsi ah oo laguu gaystay, waa in aad ku sabartaa waxa dhagaahaaga kusoo dhacaya ee uusan qaadan karin damiirka nool,

boorkaan waxaa ku qoran Xaflad loo qabanayo jid shalay dhagax la dhigay oo maanta laga qaadayo !! Kaba daran dhagixii jidkaan laga qaaday waxaa la dhigay jid kale oo u muuqda jidkii hore, Marka waxay ahayd in boorka lagu qoro Xafalad & Tacsi, Sababtoo ah hadii saakay Qayb ka mid ah jidka oo dhgaxa laga qaaday farxad u tahay dad , isla dad kale oo dhagax lagu jaray jidkii ay mari lahaayeen bay u tahay tacsi,

Anigu wax kale uma arko waa siyaasad sakaraad ah oo naftii qaybta hore ka baxday, Waa socod & Saan qaad muujinaya siyaasad Wareertay ,, Waa dagaal doqomeed Qaawan oo lagula jiro Qof Loo waysan yahay xoog & Xeelad looga adkaado,

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here