HomeWarkiiXagee isaga egyihiin sidii ay ku bilowdeen labadii dagaal ee Dunida iyo...

Xagee isaga egyihiin sidii ay ku bilowdeen labadii dagaal ee Dunida iyo dagaalka hada ka socda Bariga dhexe ?

dhinac ah iyo Mareykan iyo Israa’il oo dhinac ah wuxuu u muuqdaa mid marba marka ka danbeeya sii fidiya oo halkuu ka bilowday ka sii dhaqaaqaya iyadoo ay tartiib tartiib dalal kale ugu soo biirayaan dagaalka.

Dagaalkii 1-aad ee Dunida iyo kii 2-aad ee Dunida waxaa la leeyahay sidan oo kale ayuu laba dal kaliya uga bilowday kadibna uu isku badalay mid dunida ah markii ay si tartiib tartiib ah ugu soo biireen dalal la kala saftay kuwii is hayay.

Tusaale ahaan Dagaalkii 1-aad ee dunida wuxuu ka dhex qarxay oo kaliya laba dal kuwaasoo kala ah Austria iyo Hungary oo dhinac ah iyo Serbia oo dhanka kale ahayd kadibna dagaalka ayaa  markuu xoogaa socday waxaa dagaalka ku soo biirey Ruushka oo u soo hiiliyay  Serbia, hadana dalal kale ayaa ku soo biireen kuwaasoo ahaa quwadaha ugu xooggan xiligaasi sida Germany.

Dagaalka wuxuu ugu danbeyn isu rogay dagaalkii 1-aad ee dunida xili uu ka bilowday dalal kooban oo is hayay sida hada camal.

Dagaakii 2-aad ee Dunida waxaa uu ka dhex qarxay Germany iyo Poland markii hogaamiyihii Germany ee dunida mar caanka ka ahaa Hetler uu duulaan ku qaaday Poland  waxuuna dagaalkaani qaadatay bilo badan taasoo keentay in si tartiib tartiib ah marba dal hiilo ahaan ugu soo galo kadibna wuxuu isku badalay dagaalkii Labaaad oo aakhirkiisii Mareykanka uu soo af-jaray markii uu laba Bam oo Nuyukleer ah uu ku dhuftay Japan oo la saf ahayd Germany.

Dagaalka 2-aad intuuan qarxin waxaa dunida ugu xoog badnaa oo booska Mareykanka ku jirey Labada Dal ee Germany iyo Japan balse sameynta mareykanka ee bamkii Nuyukleerka waxay keentay in Mareynku ka adkaado labadaasi dal ilaa haatana waxaa sidaas oo kale heysta Nuyukleer 7 Dal kuwaasoo kala ah 1-Mareykanka,China,Russia , Britian ,Farance,Pakistan iyo Inida  walow ay ugu badan yihiin Mareykanka China iyo Russia.

Hadaba xagey isaga egyihiin dhacdada hada taagan kuwa aan ka soo sheekeynay , waxay isaga egyihiin bilaabashada oo dagaalkaani ku bilowday labada dal ee is garabsada Mareykanka iyo Israa’iil iyo Iiraan oo dhinac , sidoo kale waxay isaga egyihin in dagaalku sii balaaranayo madaaama Dalal badan oo khiliijka ah ay weerartay Iiran taasoo keentay inay Carabku ku hanjabaan inay dagaalka galayaan oo la safanayaan Mareykanka iyo Israa’iil.

Laakiin dhanka kale marka la eego dagaalkaani salka kuma hayo dalalka waa weyn ee loolanka rasmiga ah uu ka dhexeeyo kuwaasoo hada diyaar u ah inay Iiraan caawiyaan sida Russina iyo China taasoo la dhihi karo iskuma badeli karo dagaal 3-aad oo Dunida dhexmara waxaana macquul in waqti kooban la kala adkaado.

WAXAA QOREY: WARIYE SUUD MA-QAATE

XAIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -