HomeWarkiiXagee ku dambeeyay qorshihii ciidamada Masaarida loogu soo diraayay Somalia.

Xagee ku dambeeyay qorshihii ciidamada Masaarida loogu soo diraayay Somalia.

OSLO (DAYNIILE.COM)-Kadib kulan dhawaan ku dhex-maray Dalka Norwey la-taliyaha Madaxweyne Xasan ee dhanka amniga Xuseen Sheekh Cali iyo wasiirka arimaha dibada Dalka  Masar Dr. Badr Abdel Aty ayay iskula soo qaadeen xiririka labada dal iyo halka ay mareyso qorshihii ciidamada masaarida lagu keenayay Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar wuxuu cadeeyay in Masar sida ugu dhaw ay uga shaqeyneyso sidii ay ugu biiri lahaayeen howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM.

Wasiirka inkastoo uusan maalin gaar ah sheegin hadana wuxuu muujiyay in ciidamada sida ugu dhaw ay ku gaari doonaan Soomaaliya islamarkaana ay ku faraxsan yihiin xiriirka wanaagsan waligiis ka dhex jirey labada dal inkastoo markii ugu horeysay ay noqoneyso oo ay ka mid noqdaan ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgalaya Somalia walow dhaqaale loo la’yahay.

Sidoo kale labada Masuul oo iskala qeyb galay shirka ka socda Magaalada Oslo ee Dalka Norwey ayay isla soo qaadeen xiriirka xiligaan ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa.

Labada Masuul waxay sidoo kale isla soo qaadeen xoojinta xiriirka ganacsiga iyo maalgashiga ee labada dal iyadoo latix raacayo natiijooyinkii ka soo baxay shirkii Madasha Ganacsiga Masar iyo Soomaaliya oo Qahira ka dhacay bilowgii sanadkaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMCiidanka Masar ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM oo Soomaaliya kusoo wajahan  – Goobjoog

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -