MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa si weyn loo hadal hayay maalmihii ugu danbeeyay kulan uu Madaxweynaha Somalia Muqdisho ugu yeeray Maamul Goboleedyada Dowlada la socda ee dhanka kalana ku jira xisbiga JSP ee Madaxweynaha kuwaasoo kala ah Hirshabelle,koofur-galbeed iyo Galmudug.
Kulankaan oo u baaqday sida aan xogta ku helnay is maandhaaf ka dhashay Maamulada qaar sida Hirshabelle iyo Koofur-Galbeed oo diidanaa fikirka Madaxweynaha ee ah in Dowladu u tanaasusho Axmed Madoobe oo la aqoonsado si looga badasho inuu qabto doorashooyinka Golaha deegaanka ee qof iyo codka ah ayaa hada dib usoo laba kacleeyay.
Maamuladaan ayaa ka carooday warar hoose oo ay maqleen taasoo ah in Madaxweyne Xasan sidoo kale uu doonayo in maamuladaani sugaan ilaa doorasho qof iyo cod ah xili Axmed Madoobana loo ogolaaday laba sano in aqoonsado si uu doorasho ugu diyaariyo, Warar ku dhaw dhaw shirkaasi ayaa aheegaya in Dowladu hada xalisay tabashooyinka labadaasi maamul iyadoo lagu qanciyay ineysan jirin wararka ay maqleen.
Si kastaba beri ama beri danbe inuu dhaco kulankaan ayaa soo baxday sida aan xogta ku helnay walow Madaxweynaha Hirshabelle uusan wali Muqdisho iman islamarkaana aaney cadeyn inuu iman doono madaama markii horaba la sheegay in casuumaada laga ilmaamay taasoo shaki kale keeneysa.
Sidoo kale waxaa isma wali taagan oo sidii qorshuhu ahaa dhici doonta kulanka Kismaayo ay ku leeyihiin Madaxweyne Xasan iyo Axmed Madoobe basle waxaa ka horeeya in shirka xamar uu qabsoomo .
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
