GARBAHAAREEY (DAYNIILE.COM)-Waxaa wali socda qorshe Dowlada Soomaliya ku dooneyso inay maamul ugu sameyso Jubaland lidi ku ah Axmed Madoobaha fadhigiisu yahay Magaalada Kismaayo kaasoo Dowladu kalsoonida kala laabatay.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Taliska NISA loo xilsaaray dhameystirka Maamulka Jubaland oo xaruntiisu noqon doonto Magaalada Garbahaareey oo ah caasimada Gobolka Geddo.
Sidoo kale sababtii magacaabista C/rashidi Janan ee Gobolka Gedo ayaa qeyb ka ah nabad ku soo dabaalida magaalooyinka Gobolkan Geddo isagoo ugu horeyn bil wax ka yar Magaalada Balad-xaawo kaga saaray ciidamadii Maamulka Jubaland garabka Axmed Madoobe.
Agaasimaha Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa la sheegay inuu yahay masuulka ugu sareeya ee Dowladu u xilsaartay dhismaha maamulka Jubaland ee lidiga ku ah Axmed Madoobe waxaana ku xige C/rashiid Janan oo ah Taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee Gobolka Geddo.
Lama yaqaan sida Dowlada Somalia ugu guuleysan karto inay maamulka jubland ee ay dhiseyo uu ugu danbeyn ugu fido si xoogna ah talada iyo maamuka Jubooyinka ugala wareega Axmed Madoobe.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM

