Xaaji Maxamed yaasiin ” Umada Soomaaliyeed waxay u baahan tahay cadaalad iyo Shareecada islaamka oo dalka lagu dhaqo

0

Xaaji  Maxamed Yaasiin oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed, aadna u taageera in Dalka Soomaaliya lagu dhaqo shareecada islaamka ayaa ka hadlay Doorashada Soo socota ee 20201.

Xaajiga oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku Nool Kenya, goobo kala duwan oo caalamka ka mid ahna ka Ganacsada ayaa sheegay in Xiligaan Umada Soomaaliyeed aan lagu dhaqin shareecadaa islaamka, ay tahay dhibaato soo jireen ah, waxa uuna sheegay in loo baahan yahay Dalka Soomaaliya in lagu maamulo shareecada islaamka.

waxa uu sheegay xaaji yaasiin in taageerta Shareecada Allah in ay tahay Libaan adduun iyo tan Aakhiro,

” Waxaan Oran Karaa 60 sano ayaa lagu soo hungoobay Dariiq qaldan, Dastuur aan ahayn midkii alle,  Hoggaan habawsan, Shacbi Kooma ku jira iyo Shisheeye Damaciisa, Waxaan Oran lahaa Dalka halagu dhaqo shareecada islaamka”ayuu yiri Siyaasiga xaaji Maxamed Yaasiin oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

” 4-sano oo dambe oo khasaara ah looma dulqaadan karo, dalkaan waxa uu ku badbaadi karaa ama Umada Soomaaliyeed ay ku heshiin karaan waa in lagu dhaqaa shareecada islaamka”ayuu mar kale Yiri xaaji Maxamed yaasiin waxa uuna sii raaciyay in 4 sano oo dambe in la kasbado Carada Alle looma dulqaadan karo,

Sidoo kale xaajiga  ayaa sheegay in 4 sano oo Dalka inta ka hartay la sii Xaraasho looma dulqaadan karo,4 sano oo dambe oo Nabad la’aan ah looma dulqaadan karo,4 sano oo dambe oo Midnnimo la’an ah looma dulqaadan karo.

dhinaca kale  xaajiga sheegay in Somaliya ay ka maqan tahay cadaalada iyo in Dalka lagu dhaqo Nidaam cadaaladeed si dadka iyo Dalka loo Badbaadiyo, Waxa uuna sheegay in Somaliya Haday hesho Cadaalada ay Noqon doonto mid dalkeeda iyo dadkeeda ay hormaraan.

Wariye Cabdixakiin Cilmi Xasan

Nairobi Kenya

 

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here