Waxaa xaqiiqo ah in caalamkani uu yahay mid loo asteeyay aadanaha oo loogu talagalay in ay ka helaan adeegyada aasaasiga ah ee ku habboon nolosha,iyadoo sharci ahaan la dhowrayo xaqa iyo nasiibka bulsho kasta ay u yeelatay deegaan ama dal u gaar ah oo aan dhibaato u horseedeyn qawaaniinta guud iyo nidaamka dhaqan ee dunida.

Bulshada Soomaakiyeedna waxa ay ka mid tahay shucuubta caalamka ee dhaxalka u helay deegaan ka kooban bad iyo berri oo caalamka la wadaaga qawaaniinta iyo shuruucda soo jireenka ah ee lagu ilaaliyo danaha guud ee dunida. iyo kuwa urur goboleedyada ee dalalka deriska ah.

Marka laga yimaado dhulalka maqan ee ay bixiyeen gumeystayaashii reer Yurub,Waxaa xasuus ah in dalka Soomaaliyauuxoriyadiisa qaatay sanadkii 1960-kii,taasoo macnaheedu yahay in caalamku uu dal jira u aqoonsaday Soomaaliya,isla markaana aan lagu xadgudbi Karin sohdimaheeda sida dhulka,badda iyo marinka hawadeeda.

Haddaba, maxaa keenay bishii April 2009-kii in dowladdii ku meel gaarka aheyd ay saxiixdo heshiis isfaham oo dalka Kenya u ogolaanaya in wadahadal ay ka galaan xadka biyaha Soomaaliya oo la tilmaamay in ay ka buuxaan keydad shiidaal ah?.

Muranka badda  oo socday in ka badan muddo 10-sano,waxa uu soo maray marxaladahaan

Bishii April ee sanadkii 2009-kii Dowladda Soomaaliya oo xilligaasi aheyd ku meel gaar iyo Dowladda Kenya,waxaa dhexmaray heshiis Isfaham oo ku saabsanaa in wadahadal laga yeesho xadka badda labada dal iyo sida suurtagalka ah ee loo qeybsan karo kheyraadka ku jira biyaha badda.

Heshiiskaasi ah,oo ahaa mid loo maray qaab qaldan iyo dambi laga galay shacbiga Soomaaliyeed,waxa uu sababay in 1-dii Agoosto 2009-kii ay diidaan Baarlamaankii Soomaaliya ee waqtigaasi .

Inkastoo Juulaay 2014-kii, maxkamadda ICJ la geeyay kiis ka dhan ahaa Kenya,haddana,13-kii July sanadkii 2015-kii ,Dowladdii Soomaaliya ayaa si  rasmi ah dacwad la xiriirta badda u gudbisay maxkamadda cadaaladda caalamiga ah ee ICJ.

Octobar 10 2015,Xukuumadda kenya ayaa codsatay in wadahadal  lagu dhameeyo dacwadda badda, arrimahasina ay ka shiraan labada dowladood Soomaaliya iyo Kenya.

waxaa jiray isku dayo badan oo keenay ay ku doonaaayeen in labada dal ay arimahooda ku dhameystaan meel dibadda ka ah maxkamadda caalamiga ah,isla markaana isfaham laga gaaro nidaamka loo marayo heshiiska xadka badda.

26 may 2016-kii maxkamadda ICJ ayaa ogolaatay in 19-ka setembar,isla sanadkaasi la bilaabo kiiska dacwadda badda ee Somaaliya iyo Kenya.

18-kii December 2017-kii dalka Kenya ayaa gudbiyay jawaabta ay ka bixisay dacwadda ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Feb 02, 2018 Maxkamadda Cadaaladda ee ICJ ayaa go’aansatay inay dhageysan karaan dacwadda ku saabsan muranka badda,ka dib kolkii garsoorayaasha Maxkamaddaasi ay u codeeyaeen xaqa sharci ahaan Soomaaliya ay u leedahay doodadda badda iyo sida Kenya  ay u diidan tahay qeynuun ahaan qaabka loo marayo muranka badda.

7-dii febraayo 2019 Magaalada London waxaa lagu qabtay shir ku saabsanaa suuq-geynta shiidaaka soomaaliya oo ay horsed ka aheyd Dowladda Soomaaliya.

Setembar 2019 Kenya ayaa codsi la xiriiray in hal sano- dib loo dhigo dhageysiga dacwadda u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda ee Heuge.

Bishii Nofembar,2019-kii Magaalada Nirobi,waxaa ku kulmay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuro Kenyata,kuwaas oo ka heshiiyay in muranka badda uusan wax saameyn ah ku yeelan xiriirka laba ,isla markaana laga wada shaqeeyo arimaha ganacsiga iyo dibolomaasiyadda.

16-kii Bishii Oktoobar ee sannadkii 2019-kii Maxkamadda Caddaallada ee ICJ ayaa dib u dhigtay dhageysiga kiiska badda oo lagu ballansanaa 4-ta Nofeembar,waxayna mar kale ku muddeysay dhageysiga dacwadda bisha June ee sannadkii 2020-kii.

May 19 2020 maxkamadda ICJ ayaa mar kale ogolaatay dib u dhigidda dacwadda badda,waxayna shaacisay in mar kale la isu yimaado 15 maarso 2021-ka

Maarso 14 2021 Dowladda kenya ayaa sheegtay in aysan diyaar u aheyn in ay ka qeybgasho kulamada loogu talagalay in lagu qaado dacwadda badda. dacwadda

15-kii Maarso ee sanadkaan waxaa  Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ka bilowday dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya,iyadoo  la diiday codsi kale oo Kenya ay ku dooneysay in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda,waxaana halkaasi ka maqnaaday qareenadii matalayey Kenya.

Haddaba,waxaa 12-ka bisha Oktoobar ee sanadka 2021 –ka Magaalada The Heuge ee Dalka Bilja m lagu soo gabagabeeyay dacwaddii muranka badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya,taasina waxa ay ka dhigan tahay in lagu soo afjartay hammigii iyo riyadii ay ku taameysay Dowladda Kenya oo aamisaneyd in dadka Soomaaliyeed ay ku jiraan xilli kala uur ah,isla markaana,lagu qasbi karo in laga fushado dano shisheeye.

Maxkamadda ICG,ayaa go’aamisay qodobo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen:-

-In xadka badda uu yahay mid la dhirirsan xariiqa dhulka ee Soomaaliya,sidaa daraadeedna biyaha Soomaaliya ay yihiin lama taabtaan.

-Waxaa la diiday qorshaha Kenya ee ahaa in la weeciyo xariiqa xadka badda ee sdhinaca Soomaaliya.

-Maxkamadu waxay go;aamisay in wax mag-dhow ah aysan laheyn Soomaaliya ,maadaama qarasha badan ka galay dacwadda badda.

-Maxkamaddu waxay dhanka biyaha Soomaaliya ka jartay 12-mayl oo loo adeegsado marinada badaha caalamiga ah.

-Waxaa la go’aamiyay in labada dal Soomaaliya iyo Kenya ay u hoggaansamaan natiijada ka soo baxday maxkamadda ICJ.

Inta badan madaxda xukuumadihii u dambeeyay iyo shacbiga Soomaaliyeed,waxay soo dhoweeyeen natiijada go’aankii kama dambeysta ahaa ee kala saarayey muranka biyaha badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

Waa dhab in xilli kasta ay jiraan dad caafimaad qaba oo u diyaar ah ilaalinta danta dalka oo doonaya in ay ka hortagaan cid kasta oo  daneystayaal ah oo door biday in dalkooda ay ka fuliyaan damac shisheeye  oo keeni kara in lagula qeybsado dhaxalka dabiiciga ah ee qeyb ahaan ay u heleen bulshada Soomaaliteed.

waxaa lama huraan ah in la xuso doorkii shariifka ahaa ee ay aqoonyahanada Soomaaliyeed ka soo qaateen xal u helidda muranka badda,waxaana ka mid ahaa ex xeer ilaaliyihiin hore Daahir Axmed Cali, Injineer Maxamed Cumar Saalixi  ,Muuna Sharmaan,Prof Faarax Qare iyo xubno kale oo mihiim ah,kuwaas oo muujiyay in aan wax gorgortan ah laga gali Karin badda Soomaaliya,isla markaana damiyay damacii Kenya ee ahaa in ay wax ku yeelato badda Sooaaliya.

Sidoo kale,waxaan halkaan hambalyo uga direynaa garyaqaanada caalamiga ah ee Soomaaliya ku mataley dascwaddaasi, waxayna kala yihiin,1-Paul S Reichler oo u dhashay Dalka Mareykanka,2-Prof. Philippe Sands British-French ,3-Prof. Alain Pellet u dhashay Faransiiska ,4-Alina Miron u dhashay Faransiiska iyo,5-Edward Craven u dhashay Dalka Ingiriiska.

Xal ayaan u aragnaa go’aanka maxkamadda caddaaladda ICJ ee khuseeya xadka badda Soomaaliya,sidaa daraadeed,aragtida saliimka ah waxa ay na tuseysaa in maxkamaddaasi ay tahay mid dhexdhexaad ah oo u taagan hirgalinta shuruucda caalamiga ah ee lagu dhowrayo ama lagu ilaalinaayo xadadka badaha iyo beriga ee dalalka caalamka.

W/qoray Shire Xasan Kulmiye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here