Xaliimo yarey “ waxaan uga mahad celinaa dowladdii Xasan Maxamuud oo madaxtooyada naga siisay xafiisyada aan hadda ku shaqeeyno

0

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa ka hadashay Xafiiska Xiligan uga furan Villa Somaliya oo ay ku shaqeeyaan.

Xaliimo ayaa sheegtay in xarunta Villa Soomaaliya ay tahay meel la wada leeyahay, islamarkaana ka dhexeysa guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha ayaa amaan kala Dul dhacday Dowladii hore ee Xasan sheikh, oo ay ku amaantay sidii ay u garab istaagtay, waxayna ku amaantay xiligaas arimo badan oo ay garab ku siiyeen.

“Villa Soomaaliya waa meel ay Ummadda Soomaaliyeed leedahay xafiisyo gaar ah ayaa ka daganahay hay’ado kalena waa dagan yihiin, madaxweynahana wuu dagan yahay, ra’iisul wasaarahana wuu dagan yahay, baarlamaankana dhinac ayuu ku hayaa, haddana ma’aha waxa aan degnay dowladdaan dowladdii ka horreysay ayaa uga mahadcelineynaa oo xafiisyada nasiisay.” ayey tiri guddoomiye Xaliimo Ismaaciil Ibraahim.
Sidoo kale Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa sababta ay weli u dagan yihiin Villa Soomaaliya ku sheegtay daruufo amni iyo kuwa dhaqaale oo is-biirsaday.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here