Waxaa Saaka aroortii Maxaabiis is dhaafsaday Dagaayahanada Muslimiinta ah ee Xamaas iyo Yuhuuda kadib heshiis dhawaan labada dhinac ay gaareen kaasoo ay gar wadeen ka yihiin Dowladaha Qadar,Masar iyo Mareykanka.

Xamaas ayaa xalay sii deysay 13 Isra’iiliyiin ah iyo afar kale oo u dhalatay Dalka Thailand kuwaasoo Saaka aroortii gaaray Israa’iil.

Advertisement

Sidoo kale Yuhuda ayaa iyagana xalay sii daayay  39 Falastiiniyiin ah ay afduub ahaan u heysteen mudo sanado ah.

39-ka Falastiiniyiinta ayaa iyaguna saaka aroortii gaareen  dhulka Daanta Galbeed ee Dalka Falastiin halkaasoo uu ka taliyo Madaxweynaha Falastiin ee gacan ku rimiska ah

Xalay fiidkii hore mar baa lagu sigtay inuu gabi ahaanba burburo heshiiska markii Xamaas ay shaacisay inay dib u dhigtay sii deynta maxaabiis qorshuhu ahaa inay xalay sii daayaan, markii ay ku eedeeyn Israa’iil inay jabiyeen heshiiska, islamarkaana drones-koodu hawada Gaza soo galeen sidoo kale ay celiyeen gaadiid raashin iyo shidaal u soo siday Gaza inkasatoo hada ay muuqato in xal loo helay.

La haystayaasha labada dhinac ayaa sida caadada ah waxaa la geeyaa isbitaallada marka la soo daayo si loogu sameeyo baaritaan caafimaad si loo hubiyo in la soo dhibaateeyay iyo inkale.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

No description available.

Previous articleDowlada Kenya oo digniin cusub ka soo saartay roobab wata duufaano oo ku wajahan dhanka Soomaalida
Next articleKu dhawaad Kun Mobile oo lagu dhacay Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here