Masuuliyiin ka socota Dagalamayaasha Xamaas ayaa gaaray Magaalada Qahira ee Xarunta Dalka Masar halkaasoo maanta oo isniin ah uu wada-hadalo uga bilaabanayo dhex dhexaadiyayaasha Xamaas iyo Israa’iil si ugu danbeysta labada dhinac isusoo hor fadhiistaan islamarkaana heshiis uga gaaraan joojinta dagaalka Qaza iyo qorshaha Trump.
Madaxweynaha Mareykanka oo kulanka maanta ka hadlayay ayaa ku baaqay in aad loo dedejiyo wada-hadalka si dhaqso dagaalka Qaza loo joojiyo heshisna looga gaaro qorshihiisa maamul u sameynta Qaza iyo dib u dhiska lagu sameyn doono inkastoo danta Yuhuuda uu ka shaqeynayo iyo sidii ay iyagu u mamuli lahaayeen Qaza.
Xamaas ayaa wali diidan qodobada qaar sida inay hubka dhigaan laakiin way aqbaleen qodobada qaar ee qorshaha dagaal joojinta uu soo jeediyay Madaxweynaha Mareykanka ee ku saabsan arinta Qaza, Xamaas qodobada ay aqbashay waxaa ka mid ah sii deynta la haystayaasha iyo in maamulka Qasa lagu wareejiyo Falastiiniyiinta.
Madaxweyne Trump oo aan qarsan inuu si toos ah ula safan yahay ayaa mararka qaar hadalada waxaa ku jira hanjabaad ah in heshiis la gaaro,xamaas hubka laga dhigo hadii kale uu dhiig badan daadan doono.
Dhanka kale waxaa wali sii socda duqeymaha iyo xasuuqa ay Yuhuudu ku hayaan shacabka reer Qaza xili Trump ugu baaqay inay joojiyaan madaama Xamaas aqbashay qaar ka mid ah heshiiska jimcihii la soo dhaafay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
