DOXA (DAYNIILE.COM)-Dagaalyahanada Xamaas ayaa sheegtay in shan ka mid ah xubnaheeda lagu dilay weerarkii shalay diyaaradaha dagaalka Israa’iil ka fuliyeen Magaalada Doxa ee xarunta Dalka Qatar taasoo keentay in dunida oo dhan ay cambaareyso.
Shanta ruux ee dhimatay ayay Xamaas sheegtay inuu ku jiro wiil uu dhalay hoggaamiyaha sare Khalil al-Hayya,sidoo kale waxaa ku jirey Xubin ka tirsan ciidamada ammaanka Qatar.
Faransiiska ayaa ku tilmaamay weerarkaai mid wax aan la aqbali karin, halka UK ay sheegtay in lagu xad-gudbay madax-bannaanida Qatar, Sacuudi Carabiya ayaa ku tilmaantay gardarrada Israa’iil mid arxan daro.
Dhanka kale Wasaaradda caafimaadka ee Marinka Gaza ee go’doonsan ayaa sheegtay in shan qof oo kale oo uu ku jiro ilmo ay u dhinteen macaluul iyo nafaqo darro 24-kii saac ee lasoo dhaafay.
Tani waxay tirada guud ee dhimashada ka dhigaysa nafaqo-xumada 404, oo ay ku jiraan 141 carruur ah, ayay raacisay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
