Gaza (dayniiile.com)-Waxaa isa soo taraya wararka laga helaayo aagaga dagaal ee Marinka Gaza ee dhulka Falastiin kaasoo u dhexeeya Dagaalyahanada Muslimiinta ah ee Xamaas iyo Yuhuuda.

Sida aan ka soo xiganay SKY News qeybteeda afka carabiga waxaa dagaalo xooggan ay ka dheceen deegaanka Faluga oo ku dhaw xerada qaxootiga Jabalia ee waqooyiga Marinka Gaza.

Advertisement

War ka soo baxay dagaal yahanada xamaas ayay ku sheegen inay bartilmaameedsadeen 5 gaari oo ka mida kuwa Milatariga Yuhuuda kuwaasoo ay ku heleen Faluga.

Xamaas waxay warkooda ku sii dareen inay gawariga Yuhuuda la heleen hoobiyeyaal heerkoodu aad u sareeyo.

Subaxnimadii Jimcaha, Israel ayaa dib u bilowday weerarada ay ku qaadeyso Marinka Qasa, kaddib markii ay soo dhamaatay xabad joojintii 7-da maalmood socotay .

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

دبابة إسرائيلية قرب حدود غزة

Previous articleWasiirka Difaaca Masar oo ka deyriyay xaalada reer Falastiin
Next articleIsra’iil oo weerar dhulka ah ku qaaday Koonfurta Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here