Xamaas ayaa sheegtay in ay u furan tahay ICRC in ay cunto u geyso maxaabiista Israel ee ku sugan Gaza.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa mar sii horreysay ka codsaday guddiga caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas inay soo farageliyaan si ay u caawiyaan maxaabiista iyadoo 36 baabuur oo gargaar ah ay galeen Gaza Sabtidii.
Xamaas ayaa u fasaxday hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) in ay gargaar gaarsiiso maxaabiista Israa’iil ee ku jira Qaza.
Bayaanka kasoo baxay Xamaas iyo Netanyahu ayaa yimid kadib markii kooxaha Falastiiniyiinta ay todobaadkii hore sii daayeen muuqaalo muujinaya labo maxbuus oo Israa’iili ah oo aad u liitay oo lagu hayo Gaza, halkaas oo ilaa 2 milyan oo falastiiniyiin ah ay la halgamayaan sidii ay uga badbaadi lahaayeen dhibaatada gaajada ee ay Israel keentay.
Netanyahu ayaa sheegay Axadii inuu la hadlay Julian Larson, madaxa wafdiga ICRC ee Israa’iil, isagoo ka codsaday ku lug lahaanshaha degdega ah ee kooxda ee bixinta cuntada iyo daaweynta maxaabiista weli lagu hayo Gaza.
Kadib Axadii, afhayeenka guutada Qassam, garabka hubaysan ee Xamaas, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in maxaabiista Israel ee lagu hayo Gaza ay cunayaan waxa dagaalyahanada iyo dhammaan dadka reer falastiin cunaan taasoo la macno ah hadii shacabka gaa gaajoodaan oo Yuhuudu cunuqabateeyan in maxaabiistooduna gaajada gaari doonto.
“Ma heli doonaan wax mudnaan gaar ah inta ay jiro dhibaatada cunta la’aanta iyo go’doominta lagu hayo dadkeena”ayuu yiri Af-hayeenka Xamaas Abu Cubeyda
Laakiin, wuxuu ku daray, kooxdu waxay diyaar u tahay inay si wanaagsan wax u qabato oo ay uga jawaabto codsi kasta oo ka yimaada Laanqayrta Cas si ay cunto iyo daawo u gaarsiiso maxaabiista cadowga.
Af-hayeenka wuxuu isku xirey inay aqbalaan codsiga Isra’iil ka imaanaya ee ah in maxaabiistooda la siiyo raashin iyo in reer Gaza laga qaado xanibaada saaran.
“Si codsiyada gargaarka maxaabiista loo aqbalo, wadooyin bini’aadantinimo waa in loo furo si caadi ah oo joogto ah oo loogu talagalay marinka cuntada iyo daawada dhammaan dadkayaga dhammaan meelaha Marinka Gaza”, ayuu yidhi Abu Cubeyda.
Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la joojiyo weerarrada Israel nooc kasta
ICRC ayaa bayaan ay soo saartay Axadii ku sheegtay inay aad uga xun tahay muuqaalada naxdinta leh ee laga soo duubay maxaabiista lagu haysto Gaza .
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
