Xamaas ayaa sheegtay in ay madaxda Ciraaq kala hadashay xabad joojinta Gaza, dhibaatooyinka bini’aadantinimo,Wafdi ka socda Xamaas oo uu hoggaaminayo sarkaal sare oo ka tirsan kooxda, Osama Hamdan, ayaa booqday caasimadda Ciraaq ee Baqdaad, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka kooxda Falastiin.
Wafdigan ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxda dalka Ciraaq iyo mas’uuliyiin ka tirsan siyaasadda dalkaasi, iyagoo ka wada hadlay dhaqangelinta heshiiskii xabad joojinta Gaza ee ay la galeen Israa’iil, xaaladda bini’aadantinimo ee qalafsan ee ka jirta dhulkaas, dhibaatada maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee ku jira xabsiyada Israa’iil iyo arrimo kale.
“Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray siyaabaha lagu taageerayo jiritaanka dadka Falastiiniyiinta ilaa ay dib u helayaan xuquuqdooda oo buuxda oo ay ka dhistaan ​​dowladooda madaxbannaan ee Falastiin oo ay caasimad u tahay Qudus,” ayaa lagu yiri bayaanka.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

