QAZA (DAYNIILE.COM)-Xamaas ayaa ku wargelisay dhexdhexaadiyayaasha in ay ansixiyeen hindisihii ugu dambeeyay ee xabad joojinta Gaza ayna diyaar u yihiin in ay dib u bilaabaan wada xaajoodyada lagu soo afjarayo dagaalka Israa’iil ee Gaza, kaas oo ay hadda ku dhinteen in ka badan 62,000 oo falastiiniyiin ah.
Xamas, oo ay weheliyaan kooxaha Falastiiniyiinta, waxay ku wargeliyeen inay aqbaleen soo jeedinta ay shalay soo bandhigeen dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Masar,Xamaas ayaa hadal kooban ku sheegtay Isniintii. Times of Israel iyo Channel 12 ayaa sheegay in Israel ay heshay jawaabta Xamaas.
Ilo xog ogaal u ah wadahadalka ayaa Aljazeera u sheegay soo jeedinta waxaa ka mid ah in si ku meel gaar ah loo joojiyo howlgallada militari muddo 60 maalmood ah, muddadaas oo ciidanka Israa’iil ay u guuri doonaan si ay u oggolaadaan gelitaanka gargaarka bini’aadantinimo.
Kala bar 50-ka maxaabiista Israa’iil ah waxaa lagu beddeli doonaa maxaabiista Falastiiniyiinta isla muddadaas, soo jeedinta cusub waxay astaan u tahay bilawga dariiqa xal dhamaystiran.
Ku dhawaaqista Xamaas ayaa timid kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani uu wada hadalo kula yeeshay Qaahira Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi.
Laakiin marka la qiimeeyo dhabihii guul-darraystay ee wadahadaladii hore, ku dhawaaqista macnaheedu maaha in la soo afjarayo dagaalku soo dhow yahay,Labadii sano ee la soo dhaafay Xamaas waxay aqbashay soo jeedinta xabbad joojinta iyo sii deynta maxaabiista Israel.
Xamaas ayaa doonaysa in dagaalka si joogto ah loo joojiyo, balse Israa’iil ayaa raadinaysay xabbad joojin ku meel gaadh ah oo u oggolaanaysa inay dib u bilawdo ololaheeda burburinta iyo barakicinta ee Gaza ka dib markii la sii daayay maxaabiistii ay ku haysay dhulkaas.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
