Dagaalyahanada reer Falastiin ee Xamaas ayaa shaaciyay in weerarka Doxa lagu bartilmaameedsaday wada-xaajoodayaal, islamarkaana weeerarkaasi uu ahaa mid lagu beegsaday dadaallada nabadda.
Af hayeenka Xamaas Fawzi Barhoum ayaa bayaan laga sii daayay taleefishinka wuxuu ku sheegay in isku dayga Israel ay ku dishay ergada gorgortanka Xamaas ee Doha iyo hanjabaada joogtada ah ee lagu beegsanayo hoggaanka dhaqdhaqaaqa dibadda ay muujinayso guul darida Israel si ay u gaarto hadafkeeda ka dib 23 bilood oo dagaal uu ka socdo Gaza.
Waxa uu sheegay in isku dayga dilka uu dhacay xilli wafdiga ay ka arrinsanayeen hindise xabbad joojin ah,wuxuu intaa ku daray in duqeynta lala beegsaday guriga madaxa ergada wada xaajoodka ka qeyb galaysay, laguna dhaawacay xaaskiisa, iyo wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Hammam al-Hayya iyo sidoo kale caruur uu awoowe u ahaa.
Af-hayeen Barhoum wuxuu sidoo kale sheegay in weerarka Israa’iil aanu ahayn oo keliya weerar ka dhan ah madax-bannaanida iyo ammaanka Qatar, balse ay ku dhawaaqeen dagaal cad oo ka dhan ah dhammaan waddamada Carabta iyo Islaamka, islamarkaana uu khatar ku yahay xasilloonida gobolka oo dhan.
Waxa uu sidoo kale ka digay in ficilada Israel ay halis gelinayaan ammaanka gobolka iyo kan caalamka, wuxuuna ugu baaqay madaxda caalamka inay Israa’iil kula xisaabtanto dambiyada ay gashay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
