GAZA (DAYNIIILE.COM)-Dagaalyahanada Xamaas ayaa sheegeen iny dileen oo dhaawaceen tira ka mida ciidamada gumeysiga Israa’iil  ee weerarka ku haya Magaalada Gaza.

Abu Obaida, oo ah afhayeenka garabka hubaysan ee kooxda, guutada Qassam, ayaa sheegay in dagaalyahanada Xamaas ay qayb ahaan ama gabi ahaanba burburiyeen 72 baabuur oo ciidamada Israa’iil sedexdii maalin ee la soo dhaafay.

Advertisement

War qoraal ah oo uu soo dhigay Telegram, ayuu ku sheegay in ugu yaraan 36 askari oo Israa’iil ah ay dileen, tobaneeyo kalena dhaawaceen.

Abu Obaida ayaa intaa ku daray in dagaalyahanadoodu sidoo kale qabsadeen  qaar ka mid ah qalabka Milatariga askarta Israa’iil,afhayeenka  oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay weeraro ku ekeeyeen saldhigyada Yuhuuda ayna ugu galeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

main img

Previous articleXiliga uu furmaayo Tartanka Maamul goboleedyada iyo SSC Qaatumo oo laga reebay
Next articleSurfshark: secure online VPN service & more

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here