HomeWarkiiXamaas oo wareejisay mydad kale iyo Israa'iil oo ku eedeyay xamaas inay...

Xamaas oo wareejisay mydad kale iyo Israa’iil oo ku eedeyay xamaas inay heshiiska ka baxday.

QAZA (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Gaashaandhiga Yuhuuda ayaa ku eedeeyay Dagaal-yahanada Xamaas inay ka baxeen heshiiskii maxaabiis is-dhaasiga oo ay ku jireen xitaa kuwii geeriyooday.

Shalay oo arbaca ahayd ayay Xamaas wareejisay laba ka mid ahaa la haystayaashii Israa’iil oo geeriyooday inay gacanta xamaas ku jireen,labada meyd markii ay Xamaas ku wareejisay laanqeyrta cas laguna wareejiyay israa’iil ayay cara ka muujiyeen iyagoo sheegay inay wali ka maqan yihiin 19 kale .

Eedeynta Wasiirka Gaashaandhiga Israa’iil waxaa la jawaabayu saraakil u hadashay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kuwaasoo beeniyay hadalada Yuhuuda ee ah in Xamaas heshiiska ka baxday islamarkana aysan doneyn inay soo daayaan dhamaan Lahaystayasha la maqan.

Kooxda Xamaas waxayba dalbadeen in laga caawiyo sidii loo soo saari lahaa  meydad wali burburka hoostiisa ku jira.

Kaaliyaha Aqalka Cad ayaa warbaahinta u sheegay in  hawlgalka dhismaha iyo soo kabashada uu qaadan karo dhowr iyo toban maalin madaama burburka guryaha loo bahan yahay in la iska caawiyo.

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -