Diidmada qayaxan ee kasoo yeedhay Midawga Africa ee Ka dhanka ah Muddo Korodhsiga Ina Farmaajo waxaa igala xiiso badnaaa Fariintii Farmaajo usoodhiibay rag waawayn oo maanta isugu yimi shir kadhacay Magaalada Muqdisho,

Farmaajo wuxuu kuguuldareysatay Inuu kasoo dhex kaluumaysto Badwaynta Midawga Africa lknse wuxuu umuuqdaa inuu iska Horkeenay oo kadhex kaluumaystay Badwaynta la Yaab ka badan ee ku abtirsada magaca beelaha Hawiye

Caawa ayaan daawaday oo dhuuxay Nuxurka hadalka Shir Halbeeg looga dhigay Jiritaanka Nabadda Muqdisho,

ma xuma in Bulshada rayid ka ah ee kudhaqan Caasimada ah ilaashadaan nabadgelyadooda haddii ay jirto Nabad buuxda oo ay haystaan dadka reer Muqdisho, Cinwaanka Shirku caawa wuxuu hafrayay Caasimadda oo aan 30 sanno hal Habeen Xasilooni Iyo degenaansho helin,

Sababtoo ah Weligeed dadka Reer Muqdisho kama tashan Inay Katashadaan sidii layskaga dhaahin lahaa wixii Reer Banaadir kala qabay, waana Shaanbad xun oo ku taal G/Banaadir,,,

Inkastoo Afartii sanno ee Farmaajo Lagu dilay Magaalada Muqdisho Tobanaan Haldoor iyo aqoonyahan oo wada magac leh oo wada hebel ah oo ah raggii layslaha waa kuwa ku hadhay Beealaha Hawiye ee maanta nool, sanadihii Madoobaa ee dhiiga badnaa ee Xamar kasoo gudubtay laguma dilin inta mutacalim ee lagu dhex khaarajiyay Afartii sanno ee Farmaajo, Hadda maanta Muqdisho Nabad baa madax furasho looga dhigayaa,

ragii waawaynaa ee magaca lahaa ee Hawiye ee maanta ku dhawaaqay go’aanka Farmaajo
Waxay reer tolkood beelaha Hawiye si dhiiran ukala dooran siiyeen oo Weliba Warbaahinta umariyaan, laba qodob oo Ina Farmaajo u ah (khad cas) labadaa arin oo kala ahaa sidatan,

1) Farmaajo inuu dalka sharci darro ku haysto, oo aad aqlabiyad ku aqbashaan oo nafihiina iyo hantidiinu Nabad galaan, si ay u nabad galaana aad Kala hurdo tagtaan, oo iska shaqaysataan, oo edeb kunoolaataan, oo ay caruurtiina, iyo haweenkiinu kasacabiyaal ama mushxaradaan Maxamed Cabdilaahi Farmaajo gadaashiisa, sidoo kalena Wiilashiina qoodh ah maanta aad wada dhufaantaan, si ay Muqdisho u noqoto magaalo uu kudanbaabo hal baarqab oo qoodh ah oo dhibida lisanaya, gaar ahaan Farmaajo

2) Farmaajo inuu dalka sharci darro ku haysto aqlabiyad kudiida, oo Kutalo gala qasaare wayn burbur, Barakac, macaluul, gaajo, iyo Dagaal cad

Hadaad ufiirsato Nuxurka hadaladii badnaa iyo sacabkii maanta qofkasta oo hadla wuxuu ku doodayay Farmaajo hajoogo si nabad loo helo,
Sababtoo ah waxaanu ka baqaynaa oo ka walaacsannahay wuxuu Farmaajo samayn doono Hadaad ku adkaystaan Mawqif kiina ah (Farmaajo waa kelitaliye iyo Farmaajo marabo )

Geesta kale dhamaan dadkii Magaca Hawiye maanta ku hadlay warkoodu aad buu ucaddaa marka la lays waydiiyo Iyaga mawqifkooda sababtoo ah Waxay og yihiin Labada qodob kii reerkooda gudoonto, Farmaajo inuu fulinaayo, iyaguna hadda iyo hadhawba ay lasafan yihiin,
Maxamed Cabdilaahi Maxamuud Farmaajo

Haddaba waxaynu sugnaa waa Muqdisho iyo Banaadir oo degdeg ukala Doorta Labada arin ee Farmaajo codsaday #Dullinimo & #Xorriyad

Abdisataar Sabri

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here