HomeWarkiiXamas oo beeniysay inay aqbashay hub-ka inay dhigaan

Xamas oo beeniysay inay aqbashay hub-ka inay dhigaan

Palestinian fighters from the Ezzedine al-Qassam Brigades

QAZA (DAYNIILE.COM)-Kooxda falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa Sabtidii jawaab ka bixisay hadallo la sheegay inuu dhawaan jeediyay ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u qaabilsan bariga dhexe, Steve Witkoff, mar uu la kulmayay qaraabada maxaabiis Israa’iil oo lagu qabtay Gaza.

Xamaas waxay beenisay inay aqbaleen inay hub-ka dhigaan , waxayna ku gacan saydhay safarka Witkoff oo ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u qaabilsan bariga dhexe, ee Gaza.

Ergayga Mareykanka ayaa u sheegay qoysaska in Xamaas ay sheegtay in ay diyaar u tahay in laga saaro militariga oo ay hub dhigayaan,Laakiin bayaan ay soo saartay, Xamaas waxay ku beeniyeen sheegashada ergeyga Mareykanka.

Kooxda falastiiniyiinta ayaa sheegtay in xaqa ay u leeyihiin in ay iska caabiyaan duulaanka Israa’iil ay ku dooneyso inay ku gumeysato reer Falastiin kuna qabsato dhulkeeda,xamaas waxay xustay in dagaalka ay kala hor jeedaan Yuhuusa ‘aan laga tanaasuli karin ilaa laga soo celinayo xuquuqaha qaran ee reer Falastiin.

Xamaas waxay diiday wararka sheegaya in ay muujisay rabitaan ah in hubka laga dhigo inta lagu guda jiro wada xaajoodka xabad joojinta Gaza ee Israa’iil, iyada oo ku nuuxnuuxsatay in ay xaq qaran iyo sharci ay u leedahay inay ka hortagto qabsashada Israel ee dhulka Falastiin.

Xamaas ayaa mar sii horeysay ku dhaleeceysay safarka ergayga Mareykanka oo ay ku tilmaantay safarkiisa mid looga gol leeyahay in lagu marin habaabiyo dhibaatada iyo go’doominta Israa’iil ku heyso shacabka Falastiin gaar ahaan reer Gaza ee sababtay inay gaajo iyo macaluul u baaba’ayaan caruurta xili waliba dunidu hada ku baraarugtay.

In ka badan 1,300 oo falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale la dilay iyagoo isku dayaya inay cunto ka helaan goobaha ay maamusho GHF tan iyo markii kooxdan ay bilaabeen inay ka howlgalaan dhulka la duqeeyay ee Falastiin bishii May, Qaramada Midoobay ayaa sidaas sheegtay horaantii todobaadkan.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -