HomeWarkiiXamsa Cabdi Barre  muxuu kala hadlay Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee...

Xamsa Cabdi Barre  muxuu kala hadlay Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibraahima Diene iyo ku xigeenkiisa Mudane Mouktar Ousman Karie.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa soo dhowayn kadib, Danjiraha la wadaagay hawlgallada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, isaga oo xusay guulaha muhiimka ah ee laga gaaray la-dagaallanka argagixisada, waxaana uu ka mahadceliyey doorka ciidamada Midowga Afrika ee qaybta ka ah Hawlgalka AUSSOM.

Danjiraha cusub ee dhowaan lasoo magacaabay Mudane Hadji Ibrahima, oo ka mahadceliyey soo dhowaynta iyo qaabilaadda Ra’iisul Wasaaraha, ayaa bogaadiyey Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, sida ay uga go’an tahay dadaallada amni iyo dib-u-dhiska dalka, isaga oo xaqiijiyey in Midowga Afrika ay ka go’an tahay in ay si buuxda u taageeraan qorshaha kala-guurka ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay kula wareegayaan amniga dalka.May be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 2 people, suit, dais and the Oval OfficeMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 3 people and suit
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -