Kismaayo (Dayniiile)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamze Cabdi Barre ayaa ka hadlay arinta Puntland iyo khilaafka kala dhexeeya Dowlada Soomaaliya.

Ra’iisulwasaare Xamze Cabdi-Barre oo caawa ka qeybgalaya kulan live ah oo Kismaayo lagu qabtay hadana socda ayaa la weydiiyay puntland khilaafka kala dhexeeya iyo inay ka tashteen.

Advertisement

“Puntland waa curudka Madasha Qaran mana aha meel si fudu looga talaabsan karo”ayuu yiri Xamze Cabdi Bare

Ra’iisulwasaaraha wuxuu xusay in shirarkii ugu muhiimsanaa ay puntland joogtay hadana wax kasta la sugayaan madaama ay ergo u direen sida uu sheegay si loo dhameeyo xurgufta yar ee kala dhexeysa isagoona tilmaamay in Dani ka carooday Dowlada.

Xamze wuxuu intaasi ku daray Puntland ay wax ka soo dhistay dhamaan maamul Goboleedyada dalka oo Jubaand ugu horeyso.

“inkastoo aan ognahay in puntland gashay waqti doorasho islamarkaana uu mashquulsan yahay Saciid Dani hadana ergada aan u dirnay Puntland waan sugeynaa”ayuu yiri mar kale yiri Xamze

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMADAXWEYNE XASSAN”WALAALAYAAL DOWLAD IYO SHACAB DAL IYO DIBAD AAN KU MIDOWNO INAN NAF BADBAADINO”
Next articleWasiiro Dowlada ka tirsan oo kulan Muqdisho kula yeeshay Gudi QM ka socda+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here