Kismaayo (dayniiile.com)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa ku booriyay shacabka reer Jubaland inay u diyaar garoobaan dagaalka wajiga sedexaad ee Alshabaa ka dhanka ah.
Xamze Cabdi Barre wuxuu ugu baaqay reer Jubaland inay dagaalka galaan iskana xoreeyaan kooxda Alshabaab iyadoo la ogyahay Jubaland inuu gacantooda ka maqan yahay Gobolka Jubada dhexe oo gabi ahaantiisba ay maamulaan Alshabaab.
“reer Jubaland hubka qaata waana inaad naf iyo maal u hurtaan xoreynta dhulkiina”ayuu yiri Ra’iisulwasaaraha oo booqasho ku jooga  Magaalada Kismaayo xili dhulka Juballand intiisa badana ay biya harqiyeen.
Ra’iisulwasaaraha wuxuu balan qaaday inay Ciidamo dheeraad ah oo Milatari ah u diri doonaan Juballand si ay gacan ugu siiyaan kuwa Daraawiishta in Alshabaa gabi ahaanba laga saaro meelaha ay ka heystaan dhulka Maamulka Juballand.
Previous articleSomaliland oo Ciidamo dheeraad geysay deegaanka  ay isku hayaan SSC Qaatumo.
Next articleMadaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddiga dhex dhexaadiyada iyaga iyo Mucaaradka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here