Muqdisho, 17 December 2023: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha ee XFS iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha qeybo cusub oo lagu soo kor dhiyay xarunta guud ee Taliska Ciidanka Nabadgalyada Waddooyinka ee Taraafikada.

Munaasabada xarigjarkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka S/Guuto Bishaar Abshir Geedi, isaga oo madaxda iyo saraakiisha munaasabada ka qeyb gashay uga warbixiyay marxaladihii kala duwanaa oo uu Taliska soo maray iyo horumarinta lagu sameeyay Taliska Taraafikada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay Saraakiisha iyo Ciidanka Nabadgalyada Waddooyinka in ay dib usoo celiyaan tayadii iyo heybadii uu lahaa Taliskan islamarkaana xal loo helo saxmada mararka qaar ka jira waddooyinka Caasimadda.
— DHAMAAD —
May be an image of 4 people, suit and carMay be an image of 5 peopleMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 10 peopleMay be an image of 6 people, dais, newsroom and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 3 people and newsroomMay be an image of 3 people, dais, newsroom and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 4 people and textMay be an image of 3 people, car and text
Previous articleCiidamada Dowlada Somalia oo Maanta si rasmi ah loogu wareejinayo Amniga Madaxtooyada
Next articleWarka ka soo baxay C/rashiid Abwaan hanjabaad mise?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here