Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa maanta ka qeybgashay kulan looga hadlay siyaasadda waxbarashada gabdhaha iyo saameynta guurka deg deg ah ee waxbarashada gabdhaha kaas oo ay soo qaban qaabisay xarunta arrimaha.

Kulanka ayaa lagu lafo gurey muhiimadda ay leedahay siyaasadda waxbarashada gabdhaha iyo dib ugu laabashada goobaha waxbarashada gabdhaha guurka ku deg degay.

Intii uu socday kulanka ayaa lasoo bandhigay caqabadaha heysta gabdhaha Soomaaliyeed ee dhanka waxbarashada, waxaana lasoo bandhigay dadaallo arintaasi xal u noqon kara.

Mas’uuliyiinta xarunta Gaari Dumar ayaa wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim  guddoonsiiyay billad Sharaf ay ku maamuseen shaqada wasiir Xaniifa ay u qabatay haween weynaha Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here