Wararka ay Warbaahinta Warqaad heshay ayaa xaqiijinaya in Muqdisho uu ku xiran yahay Abaan duulaha guutada 10-aad ee Gobolka Gedo Cismaan Niiniile.

Diyaarad gaar ah ayaa loo diray Abaan duulaha kadib markii war kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Soomaaliya,oo deg deg lagu keenay Muqdisho.

Sababta loogu yeeray Muqdisho,Abaan duulaha ayaa aheyd amar si khaldan uu bixiyey oo ciidamadiisa siiyey Gobolka Gedo oo xiisad siyaasadeed ay ka jireen maalmihii lasoo dhaafay.

Saraakiisha & Ciidamada Meliteriga, Booliska iyo Nabad sugida Gobolka Gedo jooga ayaa lagu amaray inay ku laabtaan xeryahooda xilligaas uu amar ka soo baxay Taliyaha Guutada,ay Gedo kusoo wajahnaayeen C/rashiid Janan & Senetor Fartaag,waana hadalka uu qoonsaday in xamar deg deg loogu yeero.

Dhanka kale Ciidamo ilaalo u ah keliya ayaa loo reebay Wasiir Hore Janan iyo Senetor Fartaag kuwaas oo sugi doono amnigooda,xilli dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda siyaasad ahaan Gedo laga dareemayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here